Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku howllanyahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee dalka.
Markii Golaha shacabka uu u furmayay kalfadhiga 4aad ee xalay la soo xiray ayaa qorshuhu ahaa in labada aqal si wadajir ah loo furo.
Laakiin Golaha aqalka sare ayaa arrintaas ka biya diiday,waxaana ay kalfadhiga 4aad furteen bil kaddib markii la furay Golaha shacabka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo arrintaas ka hadlayay ayaa sheegay in labada Guddoomiye ee Cabdi Xaashi iyo Maxamed Mursal uu isugu yeeray waxna ka weydiiyay sida ay wax u wadaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in labada Guddoomiye ay xaaladdooda meel adag gaartay sidaasna kalfadhiga 4aad uu ku soo dhamaaday.
Waxaa uu sheegay in qorshaha ugu horreeya ee 2019 uu ku dhaqaaqayo ay tahay sidii loo xallin lahaa khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka iyo aqalka sare ee Soomaaliya.
