Ra’isalwasaare Kheyre oo dhagax dhigaya mashruuca dhismaha Waddada Muqdisho iyo Afgooye

RW Xasan Cali Kheyre

Ra’isalwasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa in uu dhagax dhigo Mashruuca dhismaha Waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Mashruucan waxaa fulineysa Dowladda Qadar oo horay u ballanqaadday dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa heshiiska dhismaha Waddooyinkaasi kala saxiixday Sanad ka hor,waxaana dhowr jeer Muqdisho yimid Injinneero u dhashay Qadar oo qiimeyn ku sameynayay dhismaha Waddooyinka.

Waddada Maka Al-Mukarrama iyo kuwa soo gala ayaa maanta guud ahaan xiran, iyada oo loo xiray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiir Geelle oo ka hadlay xalka Bulshada Soomaaliyeed ay kaga gudbi karto Colaadaha.

Read Next

Ganacsatada Qaadka Kenya oo ku hanjabay in ay Qaadka ka joojiyanayaan Somaliya