Madaxweyne Farmaajo iyo Erdogaan oo ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee Covid 19.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa waxa ay ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Labada Hogaamiya ayaa ka wada hadlay sida Dowladda Turkiga ay uga garab sii karto Soomaaliya xakamaynta xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay laga helay in kabadan 200 oo ruux.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale Agaasimaha Isgaarsiinta Turkiga ayaa sheegay in Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ay isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xiriirka labada dal iyo horumarka gobolka.

Coronavirus wuxuu ku faafay 185 waddan iyo gobollo tan iyo markii uu ka soo baxay Shiinaha bishii Disembar ee sanadkii la soo dhaafay, iyadoo Mareykanka iyo Yurub ay yihiin meelaha ugu daran adduunka.

In ka badan 2.59 milyan oo kiis ayaa laga soo sheegay guud ahaan Caalamka.

Tirada dhimashada ayaa gaartey 180,000 halka kasoo kabashadiisu ay gaartey ku dhawaad 700,000, sida lagu sheegay xog ay aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins ee fadhigeedu yahay Mareykanka.

MM Staff

Read Previous

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo ku geeriyooday Jabuuti.

Read Next

Gudoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xil. Caateeye.