Madaxweynaha Ukraine oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi, Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Kulan kooban oo ay yeesheen Madaxweynaha Ukraine iyo Safiirka Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay in Soomaaliya garab istaag u muujisay shacabka Ukraine, isla markaasna ay ka wada hortagayaan waxa uu ku tilmaamay gardarada Ruushka.

“Waxaan qiimeynayaa xiriirka aan la leenahay Soomaaliya, waa in la sare loo qaada iskaashiga labada dal, annaga oo rumeysan in la abuuri karno fursado cusub” ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada dalalka UK, New Zealand iyo Chile, wuxuuna la wadaagay qorshayaal ku saabsan kor u qaadidda taageerada Ukraine iyo xoojinta cadaadiska diblumaasiyadeed ee lagu hayo Ruushka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay amniga iyo dagaalka AS

Read Next

Midowga Yurub oo Markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya