Madaxweynaha Uganda oo sheegay inuu mar kale iska soo sharraxayo Doorashada 2026

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isku soo sharraxayo Doorashada Madaxtinimada dalkiisa ee 2026, taasi oo ka dhigan inuu xukunka sii joogi doono 40 sano.

Madaxweyne Museveni oo 80 jir ah ayaa xilka Madaxtimada qabtay sanadkii 1986 kaddib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

Mudadii uu talada hayay, xisbigiisa NRM wuxuu labo jeer wax ka beddelay dastuurka dalka si meesha looga saaro xaddidaadda muddada xil haynta iyo da’da ugu badan ee madaxweyne loo oggol yahay, taas oo u suurtagelisay in uu sii haysto awoodda.

Waxaa jiro eedeymo uga yimid hay’adaha xuquuqda aadanaha oo ku eedeeyay inuu adeegsanayo ciidamada ammaanka iyo nidaamka musuqmaasuqa si uu u caburiyo mucaaradka arrimo uu si cad u beeniyay.

Museveni ayaa sheegay in uu u taagan yahay doorashada si uu dalka Uganda ugu beddelo dhaqaale gaaraya $500 bilyan muddo shan sano ah, inkasta oo xogta rasmiga ah ee dowladda ay muujineyso in GDP-ga Uganda uu hadda ku dhow yahay $66 bilyan.

Doorashada guud ee Uganda oo ay shacabka ku dooran doonaan madaxweynaha iyo baarlamaanka dalka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha Janaayo 2026.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Meydka Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo lagu aasey duleedka Kismaayo

Read Next

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay garoon iyo dekad cusub