Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in dalal badan ay aqoonsan doonaan Falastiin

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in khudbadda uu ka jeedin doono shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu xooga ku saari doono xasuuqa ka socda Qasa, isagoo dunida u diri doona baaq la xiriira dhibaatada halkaasi ka taagan.

Isagoo ka hadlaayey garoonka diyaaradaha ee Ataturk ee magaalada Istanbul ka hor inta uusan u safrin New York, Madaxweyne Erdogan wuxuu yiri Khudbaddayda waxaan Madaxda Caalamka hortooda ka iftiimin doona Tacadiyada ka jira Qasa iyo dadaalada socda”

Erdogan ayaa intaas ku daray in shirka sanadkan uu ka duwanaan doono kuwii hore, maadaama dalal badan ay aqoonsan doonaan dowladda Falastiin.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Madaxda dalalka Caalamka ee ka qeyb galaya kulanka Qaramada Midoobay sida Madaxda Mareykanka iyo Suuriya.

Wuxuu sheegay in kulamadaan ay yihiin kuwo muhiim ah oo diirada lagu saarayo xaaladda gobolka Bariga Dhexe iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan Shacabka Falastiiniyiinta.

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Read Previous

Eswatini oo Dadkiisu ka yar yahay Dadka ku nool Muqdisho oo Ciidan usoo diray Soomaaliya!

Read Next

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Saraakiisha Ciidanka Mareykanka?