Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Galmudug oo maanta billaabatay
Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa kala diray Golahiisa Wasiirrada waxaana uu magacaabay Gole Wasiirro oo cusub.
Mr Bashiir ayaa kala diray xukuumaddii ka koobneyd 31 Xubnood,waxaana lagu soo koobay 21 Wasiir,iyada oo Ra’islawasaare cusubna la magacaabay.
Ra’isalwasaaraga cusub waxaa loo magacaabay Moutaz Mousa Abdallah,oo ahaa Wasiirka Waraabka ee Xukuumadda la kala diray.
Ra’isalwasaaraha xilka ka tagay Bakri Hassan Saleh,ayaa sii ahaanaya Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dalkaas oo uu horayba u hayay,waxaana Madaxweyne ku xigeenka 2aad loo magacaabay Mohamed Osman Yousif Kiber.
Madaxweyne Al-Bashiir ayaa sababta dhimista Golaha Wasiirrada waxaa uu ku sababeeyay si ay dowladda u kabto dhaqaalaha dalkaasi ee hoos u dhacaya loona dhimo Kharashka ku baxaya wasaaradaha faraha badan.
Bishii August ee la soo dhaafay Xisbiga talada haya ee NCP,ayaa Cumar Al-Bashiir u doortay musharraxooda doorashada dhaceysa sanadka 2020-ka.
