Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta safar dhinaca Dhulka ah waxa uu ku tagayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Madaxweyne Deni oo ka soo baxay magaalada Garoowe, ayaa maalmihii u danbeeyay waxa uu ku sugnaa magaalada Qardho, halkaas oo maanta barqadii uu uga sii gudbayo xarunta Gnaacsiga Puntland ee Boosaaso.
Madaxweynaha waxaa Boosaaso uga sii horeeyay Wasiirkiisa Amniga C/samad Gallan, kaasoo shalay Gudoomiyay shir ku saabsan amniga oo ay goob joog ka ahaayeen Saraakiisha amniga, mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada.
Amniga Guud ee Boosaaso, ayaa saaka si aad ah loo adkeeyay, waxaana socda howlgallo balaraan, iyadoo uu yaryahay dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo Ganacsiga, maadaama wadooyinka qaar ay xirnayihiin.
Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso waxa uu kulamo la qaadan doonaan madaxda Gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada, iyadoo sidoo kale ay is arki doonaan Odayaasha iyo Bulshada magaalada.
