Madaxweynaha Hirshabelle oo magacaabay Guddi baara dilka Taliyihii booliska Hiiraan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta soo magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban 10 xubnood, kuwaasoo shaqadooda ay tahay iney baaris ku sameeyaan dilkii taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Hiiraan  Maxamed Mocow Xalane.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha waxaa lagu sheegay in Guddigan ay la shaqeyn doonaan Guddiga kale ee madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) u magacaabay baarista qalalaasihii ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Guddigan, halka Kuxigeenna looga dhigay Wasiirka Amniga C/qaadir Aadan Jeelle.

Magaalada Beledweyn, waxaa maanta ka dhacay mar kale banaanbaxyo rabshado watay, iyadoo xalaada wali ay tahay mid cakiran walow dagaalo aaney jirin, waxaana Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed wali uu diidan yahay inuu xilka wareejiyo.

Web master

Read Previous

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan.

Read Next

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika.