Madaxweynaha Galmudug “waxaan qabaneynaa doorasho qof iyo cod ah, amni ahaan waan u diyaar garownay”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah.

“Golaha Wadatashiga Qaran waxaa ay ka heshiiyeen in dalka doorasho qof iyo cod in ay dalka ka dhacdo, Galmudug waxaa ay qaadaneysa kaalinteeda, waxaana diyaar u nahay in deegaanneena laga qabto Doorasho qof iyo cod ah, waa guul wayn, waxaana muhiim ah in awoodda bulshada loo celiyo” ayuu yiri Madaxweyne Qoor.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in amni ahaan deegaannada Galmudug ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, isla markaasna ay ka duwan yihiin qeybaha kale ee dalka.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan golaha wadatashiga qaran gaar ahaan maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo maamulka Gobolka Banaadir ay ku heshiiyeen doorasho dalka ka dhacdo, balse waxaa ka maqnaa kulamadaasi maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

WHO oo ka digtay macluul iyo abaaro ka dillaaci kara waqooyiga Qaza

Read Next

Maxay tahay eedda ay Dowlad goboleedka Jubbaland u soo jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya?