Wararka ka imaanayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta lagu wado in ay Magaaladaasi gaaraan Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.
Waxa ay hordhac u yihiin socdaalka Madaxweynayaasha Puntland iyo Koofur Galbeed oo iyanna lasoo sheegayo in ay berri tagayaan Kismaayo.
Madaxda iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa maalin kadib shirkoodii saddexaad ku yeelanaya Magaalada Kismaayo oo sanadkii hore Golahaan ku dhistay, waxaana Magaalada Kismaayo ka socdo qaban qaabada Soo dhoweynta Wufuudda Maamul Goboleedyada.
Ciidamada Ammaanka ayaa saaka lagu arkayaa wadada xiriira Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ilaa Madaxtooyada, waxaana tan iyo shalay socday qaban qaabada Magaalada Marti gelinta Madaxweynayaasha, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee marti qaadka shirka leh ayaa la filayaa in uu madasha ka sheego isku dhaca kala dhexeeyo Dowladda Federaalka oo uu dib ugu soo celiyay Saraakiil ay Jubbaland u magacawday sida Illo wareedyo Mustaqbal Radio u sheegeen.
Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa iyana ku jira Loolanka Doorasho ka kala dhaxeyso Koofur Galbeed iyo Puntland.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa wajahaya culeys siyaasadeed oo gudaha maamulladooda iyo dhinaca dowladda Federaalkaba ah sida ay dhowr jeer fagaare ka sheegeen.
