Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
War kasoo baxay Maamulka Waqooyi bari ayaa lagu sheegay Waaran soo qabasho ah oo jaray Fahiima Yuusuf Qooje oo ku dhawaaqday in ay isaga tagay maamulkaas oo ay Xildhibaan ka ahayd.
Sidoo kale waxa ay Fahiima sheegtay in ay ku biirtay Maamulka Waqooyi Galbeed kana tanaasushay mowqifkeeda Midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya sida ay hadalka u dhigtay.
Fahiima ayaa lagu eedeeyay in ay samaysay Qiyaano qaran sidaas awgeed waxaa la faray in lasoo qabto si loo hor-geeyo Maxkamadda looguna qaado dambiga loo haysto
Fahiima waxa ay kamid ahayd xubnihii qaybta ka ahaa abaabulka dagaalkii Maamulka Waqooyi Bari uu la galay waqooyi Galbeed ee sababay in Laascaanood laga saaro ciidamadii joogay magaaladaas
Mustaqbal
