Maamulka SSC Khaatumo oo shacabka gobolka Sanaag ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowlad goboleedka cusub

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si buuxda u taageerayso qorshaha dowladda federaalka ee la xiriira shirweynaha lagu dhammeystirayo dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in qorshahani uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbada khuseeya maamulka dhiska, ilaalinta midnimada, iyo horumarinta siyaasadda guud ee dalka.

Waxa ay sidoo kale carabka ku dhufatay in shirweynahan uu yahay fursad lagu xoojinayo wadajirka bulshada dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan bulshada SSC-Khaatumo & Maakhir in ay si mideysan uga qaybgalaan shirweynaha, kana shaqeeyaan xoojinta wada-tashiga iyo isu-tanaasulka si loo dhiso hay’ad dowladeed oo matasha rabitaanka shacabka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddiyo farsamo oo isugu jira heer federaal iyo heer goboleed ay hagi doonaan habraaca shirweynaha si uu u noqdo mid miro-dhal ah oo lagu dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Hadalka SSC Khaatumo ayaa ku soo aadaya xilli dhaqdhaaqyo ay ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Sanaag, kuwaasi oo diidan dhismaha dardar galinta howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Soomaaliya ma isku heyn kartaa xiriirka Itoobiya iyo Masar oo uu ka dhaxeeyo khilaaf la xiriira Biyo-xireenka Nile?

Read Next

Puntland oo ciidan dheeraad ah geysay gobolka Sanaag