Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay
Xildhibaanasa Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in maanta la shaaciyo kaddib doorasho socotay labadii bilood ee la soo dhaafay oo ay Isimada ku soo xulayeen Xildhibaannada.
Waxaa uu Baarlamaanka ka koobanyahay 66 XIldhibaan,kuwaas oo marka maanta la shaaciyo kaddib dooran doona Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.
Doorashada Guddooniyaha Kaddib waxaa ay sameyn doonaan Guddi doorasho oo qabta doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Inkabadan 30 Musharrax ayaa u taagan xilka madaxtinimada Maamulka Puntland,waxaana wali socda olole doorasho oo aad u xiiso badan.
