Faroole: “Gaas Makiinadaha lacagta ayuu geystay Garowe”

Senator C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland ku eedeeyay in ay Makiinado lacagaha sameeya geysteen Garoowe.

Faroole ayaa sheegay in C/Wali Gaas iyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland ay faragelin ku hayaan doorashada la filayo in ay ka dhacdo degaannada Maamulkaas billowga Bisha soo socota.

C/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in C/Wali ku fashilmay maamulidda Puntland isaga oo sheegay in shaqaalaha iyo ciidamada Puntland aysan mushaar qaadan.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidan uu isaga u tababaray ilaalada Madaxtooyada Puntland markii uu madaxaweynaha ahaa uu ku arkay Xamar iyaga oo raadinaya in ay ku biiraan Milatariga Soomaaliya.

8-da Bisha soo socota ayaa la filayaa in ay doorasho ka dhacdo degaannada Puntland,waxaana ku tartamaya musharrixiin ka badan 30 Qof oo u badan Qurbe joog.

Mustaqbal media

Read Previous

Liiska Xildhibaannada Puntland oo maanta la shaacinayo

Read Next

Number of journalists killed on the job in 2018 rises