Lafta Gareen: “Reer Adeerradeey dhib lama rabo, dadka ayaana ugu jecelahay”

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan gaar ah Magaalada Baydhaba kula qaatay Odayaasha dhaqanka ee degaannada Maamulkaas.

Madaxweyne C/Casiis Lafta Gareen ayaa Odayaasha kala hadlayay rabashadihii ka dhacay Baydhaba ee ay ku dhinteen dadka rayidka ah iyo xarrigii Mukhtaar Rooboow.

Lafta Gareen ayaa sheegay in markii ay rabshadaha dhacayeen uu isagu ahaa musharrax wax awood ahna aan u lahayn in uu wax ka qabto wixii ka socday Baydhaba.

C/Casiis oo Odayaasha u laabqaboojinayay ayaa yiri “Reer adeerradeey dhib lama rabo, dadka iyagaan ugu jecelahay,anigana waxaan ahay nin nabadeed”.

Xarigga Mukhtaar Rooboow ayuu sheegay in arrintiisa ay ku jiraan,waxaana uu Odayaasha ka codsaday in ay la shaqeeyaan Maamulka islamarkaana la muujiyo isu soo dhawaansho maamulka iyo dadka degaannada Koofur Galbeed dhex marta.

Mustaqbal media

Read Previous

Sidee buu qofka mas’uulka ah ugu dhiiradaa Hantida Dadweynaha? Dhageyso Qiso dhacday!

Read Next

Kidnapped Italian worker Silvia Romano not in Somalia: police