Laamaha ammaanka DG Galmudug oo baaraya Dil Dhuusamareeb loogu geystay labo Xidigle Xasan Quuri

Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa xalay lagu dilay AHUN Labo Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo ku magac dheer Xasan Quuri halka la dhaawacay Haweeney kale oo la joogtay xiligii la weerarayay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Dilka sarkaalkaan oo ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb, waxa uu watay Gaari iyada oo lagu rasaaseeyay una dhintay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaastaas sida ay sheegeen ilaha ka xog-warramay.

Ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan kuwa Magaalada Dhuusamareeb ayaa billaabay baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay dalkaas loo geystay Marxuum Xasan Cabdi Maxamed (Quuri).

Dhacdadaan waxaa dhegaha u taagaya dad badan oo qaarkood garanayay sarkaalkaan la dilay kuwaas oo Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ka suraya jawaabta ay kasoo saaraan natiijada baaristooda.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Wafdi ka socda Soomaaliya oo la filayo in ay gaaraan dalka Itoobiya

Read Next

DFS oo joojisay diyaarihii aadi jiray Kismaayo & Doolow