Kulan looga hadlay amniga magaalada Muqdisho

Kulan ay yeesheen Saraakiisha Booliiska gobolka Banaadir ayaa looga hadlay xoojinta amniga guud magaalada Muqdisho iyo deegaannada hoos yimaada Caasimadda.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa saraakiisha booliiska ayaa faray in ay aan wax hub ah ama walxo amni-darro keeni kara lala gali karin ciyaarta kama dambaysta ah ee lagu wado inay ka dhacdo Caasimadda.

Gaashaanle Sare Mahdi ayaa sidoo kale ku boorriyay saraakiisha Booliska Caasimadda inay shacabka si dhow ula shaqeeyaan, si loo xoojiyo amniga, kalsoonida bulshada iyo wadajirka shacabka iyo laamaha amniga.

Ciyaarta kama dambeysta ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa dhawaan ka qabsoomeysa Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, iyadoo ay wada ciyaari doonaan Degmooyinka Warshiikh iyo Howl wadaag.

Ciyaarta oo xiiso gaar ah leh ayaa la qorsheynayaa in ay isugu soo baxaan boqolaal shacab oo u badan dhalinyarro, kuwaasi oo isaga kala imaan doona dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka socdaalka iyo amniga

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Jabbuuti oo xarrig jaraya Taalladda Nabadda