Ku xigeenka Wakiilka Q.M ee Somaliya oo la kulmay ku simaha Madaxweynaha K.Galbeed

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Rai Zenenga, ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Markii uu Baydhaba ka degay waxaa uu la kulmay Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas C/Qaadir Shariif Sheekhunaa.

Kulanka labada dhinac ayaa looga wada hadlay sidii ay Koofur Galbeed uga dhici lahayd doorasho caddaalad ku dhisan.

Qaar ka mid ah musharrixiinta Koofur Galbeed ayaa dhawaan soo jeediyay In doorashadaas dib loo dhigo,iyada oo xubno ka mid ah Guddiga doorashada ay sheegeen in doorashada waqtigeeda ku dhaceys.

Dhinaca kale la taliyaha dhinaca amaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uga digay in ay faragelin ku sameeyaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Mustaqbal media

Read Previous

Booliska Kenya oo Haweeney Soomaali ah ku dilay Mandheera

Read Next

Andrey Arshavin Oo ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha.