Kooxda Macaawisley oo sheegtay in 8 ka mid ah Al-shabab ay ku dileen duleedka Aadan Yabaal

Kooxda la magac baxday Macaawisleey ee Al-shabaab kula dagaallanka Gobolka Shabeellaha dhexe  ayaa sheegtay in dagaal ay la galeen AL-shabaab ku dileen xubno ka mid ah Al-shabab.

Dagaalka ayaa shalay ka dhacay degaanka Guullane oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Hoggaamiyaha Kooxda Macaawisleyda Axmed Dhegey , ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in 8 ka mid ah Al-shabaab ay ku dileen dagaalka dhexmaray.

Axmed Dhegey,waxaa uu sheegay in dadka ay ka dileen AL-shabaab ay ka midyihiin saraakiil u qaabilsanaa Lacaga Zakawaadka loo yaqaan iyo kuwo kale oo dhinaca maaliyadda u qaabilsanaa Al-shabab.

Al-shabab ayaa horay waxaa ay u dileen Labo nin oo kooxdan hoggaamiyayaal ka ahaa,waxaana ay kooxdani ku doodeysaa in Al-shabaab ay ka ceshanayaan naftooda iyo maalkooda.

Mustaqbal media

Read Previous

Muuse Biixi oo ka laabtay go’aankii uu ku diidayay wadahadalka D.Federaalka

Read Next

7 jir $22Milyan oo doollar sanadkii ka sameya Youtube!