Koofur Galbeed oo shaacisay in ay kala direen Maamulka degmada Xudur

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in gebi ahaanba la kala diray maamulkii Degmada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool, oo uu ku jiro Guddoomiyihii degmadaas.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanah) ayaa xilka ka qaaday guddoomiyiha degmada Xudur, isagoo xilkaasi u magacaabay Maxamed Axmed Maxamed.

Go’aanka ka soo baxay Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku soo aadaya xilli uu xumaaday xiriirka kala dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Wareegtada Koofur Galbeed

May be an illustration of map and text

Mustaqbal

 

MM News

Read Previous

MW Laftagareen oo tababar u soo xiray Ciidamo Itoobiya u tababartay Koofur Galbeed

Read Next

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Odayaal & Waxgarad kasoo jeeda DG Koofur Galbeed