Koofur Afrika oo heegan gelisay Ciidamada Booliiska si ay u ilaaliyaan Ajaanibta Dalkaas ku nool

Dowladda Koofur Afrika ayaa heegan gelisay Ciidamada Booliiska gaar ahaan kuwa kahortaga rabshada si ay u kala eryaan dadka ka dibadbaxaya ajaanibta ku nool Dalkooda, waxaa sidoo kale ay ciidamo dhigtay goobaha ay u badan yihiin Ajaanibtaas si aan loo beegsan.

Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka Koofur Afrika ayaa sheegay in Sabtida iyo Axadda ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo Dadka caraysan ee doonaya in Dalkooda looga saaro Ajaanibta goobaha Ganacsiga ku leh Dalkaasi.

Qorshahaan oo lagu fasiray shirqool ka yimid Dalalka Reer Galbeed oo madaxa isugu gelinaya Caddaanka iyo Madowga Dalkaas iyaga oo marka hore iska hor keenaya dadka madow oo lacago lasoo siiyay iyo Ganacsatada Ajaanibta ah ee isla qaaraddaan kasoo jeedda.

Madaxweynaha Dalka Koofur Afrika, Cyral Ramaphosa oo la hadlay Dadkiisa ayaa sheegay in Dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta sharciga lana xisaabtamayso Dadka sharci darrada ku jooga dalkooda balse aanay ahayn la beegsado.

Dalal badan sida Tanzania, Ghana & kuwo kale ayaa ku dhawaaqay in ay muwaadiniintooda kala baxayaan Koofur Afrika si aanay dhibaato loogu gaysan maadaama Dad badan la dilay maalmihii lasoo dhaafay, qaarkood ayaa si arxan-darran loo jirdilay kahor inta aan la dilin.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegtay in ay si feejigan ay ugala socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Dalkaas, goobaha ugu badan ee lagu beegsado ayay ka billaabeen isku xirnaan dhexdooda si ay isaga warqabaan.

Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika, Jacob Zuma ayaa qudhiisa ku biiray siyaasiyiinta dadkiisa u diraya fariimaha nabadda iyo in laga hortago beegsiga Ajaanibta maadaama ay fahamsan yihiin halka laga soo abaabulay shirqoolkaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Uganda oo joojisay isu gudubka ay la wadaagto DR Congo si ay uga hortagto cudurka Ebola

Read Next

Dad loo diiday in ay qaataan Maydka qof u dhintay Ebola oo gubay teendhooyinka dadka lagu Karaantiillo