Kevin De Bruyne oo dib ugu soo laabtay Tababarka kooxda City.

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Man City Kevin De Bruyne ayaa si lama filaan ah loogu arkay xerada Tababarka Kooxda City kadib mudo uu dhaawac ku maqnaa.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Belguim maanta ku soo laabtay tababarka kooxdiisa Man City isaga oo si gaar ah tababar u qaadanaya iskuna diyaarinaya ku soo laabashada garoomada kadib fasaxa xulalka ee soo socda.

Xiddiga reer Belguim ayuu dhaawac xun ka sooo gaadhay jilibka tababarka kooxdiisa ee bishii August taas oo keentay in uu garoomada ka maqnaado mudddo dheer.

De Bruyne ayaa kaliya kooxdiisa u ciyaarya 30 daqiiqo oo kaliya kadib markii uu badal ku soo galay kulankii Arsenal ee todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League.

Xiddigan ayaa la filayay in uu muddo dheer ka maqnaan doono garoomada laakiin xiddigan ayaa ugu yaraan 6 todobaad oo kaliya ka maqnaan doona garoomada taas oo la macno ah in uu ku soo laaban doono shaxda City bisha September ee soo socota.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Xiddigaha u Tartamaya Abaalmarinta Golden Boy oo lasoo saaray.

Read Next

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Canshuureysa Warqadaha Dalaaq-muujinta.