Soomaaliya oo ka tacsiyaysay Dadkii Masar uga dhintay Shilka Tareen ee ka dhacay Giza
Kolonyo ay wateen Ciidamada Difaaca Kenya KDF ayaa qarax loo dhigay iyaga oo marayay Lamu, waxaana miinada ay haleeshay mid kamid ah Gawaarida xamuulka Ciidanka u wada oo uu ku dhintay wadaha, halka ay dhaawacmeen askar kale.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Qaraxa kadib ay maqleen rasaas ay rideen Ciidamada Difaaca Kenya, waxaana xigay howlgal ay ku dhaqaaqeen oo ay ka sameeyeen Deegaannada dhaca dhaw goobta lagu qarxiyay.
Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin qaraxa loo dhigay, waxaase sheegatay Al-Shabaab, war kasoo baxay Xarakada ayaa lagu sheegay in Miinada loo dhigay kolonyada ay wateen Ciidanka Kenyanka ah.
Lamu waxaa dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo, Weeraro gaadmo ah & kuwo Al-Shabaab ay ku qaaday Xeryo Ciidan, Dowladda Kenya waxa ay dhankeeda ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadeyso xubnaha Shabaab ka jooga Dhulka keynta ah.
Mustaqbal
