Kenya oo Soomaaliya ku sifeysay Cadowgeeda

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Soomaaliya cadow ku tahay dalka Kenya islamarkaana aanay ka soo bixin deris wanaagga iyo abaalka ay Kenya u gashay Soomaaliya.

Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay Cadowga Kenya kaddib markii ay Soomaaliya dhul badeedkeeda ku darsatay ceelal shidaal oo uu muran ka taaganyahay sida ay hadalka u dhigtay Kenya.

Xalay ayey Dowladda Kenya la baxday danjiraheedii Soomaaliya,waxaana ay amar ku bixisay in midka Soomaaliyana uu dib ugu laabto Muqdisho.

Kenya waxaa ay sheegtay 6dii Bishan ay Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kala hadashay Shirka London oo lagu soo bandhigayay Xermooyin shidaal ah oo ku jira Soomaaliya oo la doonayo in la suuq geeyo.

Qariiradda lagu soo bandhigay Shirka ayey Kenya sheegtay in ay ku jirto qeyb ka mid ah Biyaha Kenya oo ay Soomaaliya ku darsatay dhulkeeda.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan arrintan wali ka jawaabin,waxaana muranka labada dal oo soo taagnaa tan iyo 2009kii uu ka dhashay Xariijin Sohdin Badeed ah oo ay Soomaaliya la raacday Berriga,halka Kenya ay dooneyso in sohdinta la qalloociyo laguna celiyo gudaha Soomaaliya.

Mustaqbal media

Read Previous

Burundi oo sheegtay in ay ku dadaaleyso in ciidankeeda aysan ka bixin Somaliya

Read Next

Burundi’s case against pullout of its troops in Somalia