Kenya oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabab ku dishay keynta Booni

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku dishay howlgal ay ka fulisay Keynta Booni ee ay Ciidamada Kenya ka wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Hay’adaha amaanka Kenya ayaa sheegay in 4 ka tirsan Al-shabaab  lagu dilay howlgalkaas kuna qabsadeen 6 Qori oo AK-47.

Howlgalka ayey ku sheegeen in uu ka dhacay sohdinta Gobollada Gaarisa iyo lamu ee ku teedsan keynta Booni loo yaqaan.

Agaasimaha howlgalka Keynta Booni ee  Ciidanka Kenya  Joseph Kanyiri, ayaa sidoo kale sheegay in ay rasaas badan ka furteen AL-shabaab.

Waxaa uu mr  Joseph Kanyiri,  sheegay in howlgalka uu billowday markii Ciidamada AL-shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan Siin Isgaarsiineed oo ay leedahay Sharikadda Safaricom kaddibna Ciidamada ay ku baxeen sidaasna dagaalka ku dhexmaray.

Dilka afarta qof ee ka tirsan AL-shabaab ayuu sheegay in ay ku soo aadday saddex bilood kaddib markii toban ka mid ah Al-shabaab lagu dilay degaanka Taksile ee ka tirsan Lamu.

Mustaqbal media

Read Previous

Somalia: EU training mission extended, budget agreed and mandate amended

Read Next

AMISOM builds leadership capacity of young Somali leaders in post-conflict era