Kenya oo sheegtay in ay qaadayso tallaabooyin ka dhan ah AS

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay kordhinayso Ciidamadeeda Ammaanka ee AS kula dagaalamaya deegaannada xiga Xadka Soomaaliya kaddib markii ay kordheen weerarrada ka dhan ah saraakiisha Amniga.

Kenya ayaa intaas ku dartay in ay ciidamadu adeegsan doonnaan aalado kala duwan sida diyaaradaha duulliye la’aanta ah ee drones-ka lagu magacaabo si loola socda dhaqdhaqaaqyada deegaannada kaynta u badan ee AS ku dhuuntaan.

Saraakiil amni oo katirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ciidamo kala duwan uu isugu jira Booliis, Militari iyo kuwa gaarka ah ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ay sameeyeen howlgallo hordhac ah.

Mas’uul katirsan ciidanka Amniga Kenya ayaa shaaciyay in tallaabooyinkaan loo arko kuwa ugu macquulsan ee xiligaan looga hortago karo beegsiga AS ee saraakiisha Amniga iyada oo todobaadkii tagay qarax ay u dhigeen sarkaal Booliis ah.

Xukuumadda Nairobi ayaa howlgallada ka dhanka ah AS ee deegaannada xadka Soomaaliya dhaca u adeegsatay Gawaari casri ah oo qaarkood rasaastu Karin, Geel iyo hadda oo ay adeegsanayaan Diyaaradaha drones-ta loo yaqaan.

Arrintaan ayaa lagu sifeeyay in sare loogu sii qaadayo amniga Kenya maadaama 10ka Augusto sannadka soo socda 2027 ay dalkaas ka dhacayso Doorasho loo arko in ay ku loolami karaan Mas’uuliyiin siyaasad ahaan aad isku haya sida William Ruto & Rigathi Gachagua.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Hoggaanka cusub ee Galmudug

Read Next

Golaha Wakiillada HirShabeelle oo doortay Guddoon cusub