Kenya oo Q.M weydiisatay bixinta qarashka ku baxaya dagaalka Al-shabab

Dowladda Kenya ayaa Qaramada Midoobey ka codsatay in ay maalgeliso dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Kenya ayaa sheegtay in howlgalka la dagaallanka Argagixisada ee ay maalgelinta u dooneyso uu yahay mid looga hortagayo in AL-shabaab ay dib u qabsadaan Soomaaliya sidoo kalena ay ku fidaan qaaradda Afrika.

Madaxa Guddiga arrimaha dibadda Kenya Ababu Namwamba, ayaa weydiistay Qaramada Midoobey in dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab uu yahay mid caalami ah loona baahanyahay in loo midoobo.

Ababu Namwamba, ayaa sheegay in farqi uu u dhaxeeyo sida Caalamka u arko dagaalka AL-shabaab iyo sida ay xaqiiqda tahay.

Waxaa uu ka hadlayay kulan ka dhacay Brussels ee dalka Belgiumka oo ay isugu tageen hoggaamiyayaal ka kala socday Midowga Yurub iyo Qaaradda Afrika.

Kulanka Wasiirrada arrimaha dibadda ee Afrika iyo Midowga Yurub ayaa lagu lafa guray howlgalka AMISOM oo markiisii hore ahaa howlgal nabad ilaalineed laakiin hadda u eg mid la dagaallan Argagixiso.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dhowr jeer ka gaabsaday ka jawaabidda weydiimaha Kenya ee la xiriira in Qaramada Midoobey ay la wareegto maalgelinta howlgalka AMISOM.

Goluhu waxaa ay dhowr jeer sheegeen in Howglka AMISOM yahay mid uu leeyahay Muidowgs Afrika dhaqaalaha ku baxayana ay bixiyaan Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka iteeda kale.

Kenya oo ay Soomaaliya ka joogaan 3,664 Askari oo ku jira AMISOM ayaa waxaa ay dooneysaa in sare loo qaado dhaqaalaha ku baxa howlgalka si sare loogu qaado niyadda Ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

Mustaqbal media

Read Previous

Kenya asks UN to finance Somalia war against Shabaab

Read Next

Midowga Afrika oo ku adkeystay in Kun Askari oo Burundi u dhashay ka baxaan Somaliya