Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Deegaanno dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo waxaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeyay Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland.
Cabdalla Biroole, Dabaqayn, Beerxaani, Xaadweyne, Cabdi Dhowre iyo La heley, waa deegaanno dhaca duleedka Magaalada Kismaayo oo ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka in ay ka qabsadeen Al-Shabaab.
Cabdinuur Ibraahim Xuseen Afhayeenka Laamaha Ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan.
Deegaannada ay tageen ee ay gacanta ku dhigeen ayuu tilmaamay in ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab, kana baxeen kahor inta aysan gaarin.
Ujeedka howlgalka waxa uu Afhayeenka ku tilmaamay in jawaab uu u ahaa hadalkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed uu Degmada Afmadow ugu dhawaaqay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waa uu sii hadlay waxa uu sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada ay wali ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ee Gobolka Jubada Jubada Hoose, si kadib ay ugu sii gudbaan Gobolkada Jubada Dhexe.
Shacabka ayuu ka dalbaday in Ciidamada Ammaanka ay kala shaqeeyaan howlgalada ay wadaan oo uu sheegay in faaiidada ugu badan ay helayaan hadii ammaanka la adkeeyo sida uu hadalka u dhigay.
Maamulka Jubbaland ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay Duleedka Magaalooyinka Afmadow, Kismaayo iyo Dhoobley ku diyaarinayay Ciidamo ay sheegeen in ay dulaan ku yihiin Al-Shabaab.
