Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd
Taliyaha Booliska Puntland Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish ee ka socda Gobolka Bari.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka uu wali socdo lana qab qabtay dad kala duwan oo isugu jira kuwa lagu tuhmayo Daacish iyo Al-shabaab, kuwa Dadka Tahriibiya iyo Burcad Abaabulan oo habeenkii dadka baarta.
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Amaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay dil habeen hore loo geystay Xisaabiye ka tirsanaa Sharikad ka mid ah kuwa Ganacsiga ee Puntland.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in Howlgallada intii ay wadeen ay tageen Goobaha Waxbarashada islamarkaana laga soo qabtay dad la tuhmayo.
Waxaa uu Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Rooble sheegay in Argagixisadu gashay Jaamacadaha,Dugsiyada iyo Mac-hadyada degaannada Puntland.
Booliska Puntland ayaa billaabay howlgal ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish kaddib dilkii Maareeyihii Dekadda Boosaaso ee Sharikadda DPWorld,kaas oo 4tii Bishan lagu toogtay gudaha Dekadda Boosaaso.
