Jen. Koronto: “duqeynta Galmudug ka socota ayaan ka billaabeynaa Hirshabeelle”

Taliyaha Qeybta 27aad ee Miltariga Soomaaliya Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeyn ka billaabi doonaan degaannada Hirshabeelle .

Jeneraal Koronto ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu hadda ka socdo Gobolka Hiiraan gaar ahaan Maxaas iyo meelo kale.

Waxaa uu sheegay in iyaga oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya Mareykanka ay duqeyn iyo dagaal ku billaabi doonaan AL-shabaab.

Taliye Koronta ayaa intaas ku daray in socodkii Ciidanka ee Baladweyn ilaa Buulo Burto uu ka mid ahaa howlgalka islamarkaana Miino ma ahane aysan arag Al-shabaab la dagaallama.

Waxaa kale oo uu sheegay in Degaannadana Hirshabeelle sida Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay ka billaabayaan duqeynta ka socoto Mudug si AL-shabaab looga saaro.

Mustaqbal media

Read Previous

JOINT PRESS STATEMENT ON THE OCCASION OF THE OFFICIAL VISIT TO UGANDA BY H.E MOHAMED ABDULLAHI MOHAMED FARMAJO, PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA

Read Next

Germany iyo Britain oo Kenya ka taageeraya dagaalka Al-shabab