Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa Ciidamo geysay Gobolka Shilaabo ee dowlad degaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya halkaas oo dhawaan laga helay ceelal shidaal.
Wargeyska Ezega.com oo soo xiganaya goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Federaalka oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka ay ka baxeen Magaalada Jigjiga kuna jiheysteen Shilaabo.
Ciidamada ayaa xeryo ka sameystay Gobolka,halkaas oo ay ka waardiyeyn doonaan amniga Ceelasha iyo shaqaalaha.
Saraakiil ka tirsan Liyuu Booliska oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa in ay weerarro jabhadeyn ah gobolka ka billaabayaan iyada oo laga baqayo in ay weeraraan Ceelasha shidalka sida uu qoray Ezega.com.
Shalay ayey ahayd markii Madaxweynaha dowlad Degaanka Tigray ee dalka Itoobiya uu sheegay in Ra’isalwasaare Abiye Axmed uu bur burin ku hayo hanaanka Federaalka Itoobiya.
Waxaa uu sheegay in Abiye uu dafirayo wixii Itoobiya ay qabsatay 27kii Sano ee la soo dhaafay,waxaana uu si gaar ah farta ugu fiiqay khilaafkii Jigjiga in uu horudhac u yahay qorshe uu Abiye Axmed ku doonayo in Oromada ugu gacan geliyo dalka intiisa kale.
