Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Xisbigiisa Horumarinta Shacabka ee loosoo gaabiyo RPP ka helay taageerro xooggan oo la xiriira in xubnaha ururkaas ay ku garab taagan yihiin doorashada April 2026.
Madaxweyne Geelle oo dhowaan Baarlamaanka Dalkiisa ka helay kalsooni la xiriirta in uu markale tartami karo ayaa dhexgalay Xisbigiisa isaga oo ugu dambayn ka helay taageerro xooggan oo ah in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Jabuuti.

Munaasabad ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin sare oo Xisbiga RPP iyo taageereyaal kooban ayaa lagu soo dhaweeyay musharraxnimada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle.
Khudbad uu madasha ka jeediyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku sheegay in uu dhagaysanayo codka Shacabka, Odoyaasha iyo cid weliba oo Jabuuti u hagaysa dhabbaha wanaagsan ee lagu gaarayo horumarka sida uu hadalka u dhigay.

Mucaaradka Jabuuti ayaa dhowaan kahor yimid kulankii Baarlamaanka Dalkaas uu ku furay dabarkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kahor istaagayay in uu markale isu taago Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyaga oo ku sheegay in dastuurka meel la iska dhigay.
Waxaa jira Xisbiyo kale oo taageersan musharraxnimada Xilka madaxweyne Ismaaciil iyaga oo sheegay in ay ku dooranayaan waxqabadkiisa muuqda iyo in uu fuliyay ballamo horay uu la galay waa doorashooyinkii hore oo xilalka ka siiyay Xukuumadda.
Mustaqbal
