Iska hor imaad ka dhashay Nabadoon lagu xiray Jalalaqsi oo ka dhacay Degmadaas

Xiisad ka dhalatay nin la sheegay in uu yahay Nabadoon oo lagu xiray Degmada Jalalaqsi ayaa saamaysay nabadgalyada iyo howlaha shaqo ee Maamulka Degmadaasi kaddib markii kooxo hubaysay ay isku dayeen in ay si xoog ah usii daayaan nabadoonkaas.

Sida aya Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, xalay Magaalada Waxa ay dadka deegaanka ku hoydeen dhiilladaas iyada oo saaka rasaas goosgoos ah ay ka dhacday goobta lagu xiray Ninka xiritaankiisa muranka badan dhaliyay.

Lama sheegin khasaara ka dhashay iska hor imaadka, wararka waxa ay intaas ku darayaan in ay ku baxeen Odoyaal dhaqameed deegaanka ah si ay uga hortagaan in colaaddu ku faafto Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Jalalaqsi oo xiray Nabadoonka, waxaa lagu wadaa in uu war kasoo saaro sababta loo xiray Ninka la sheegay in uu kamid yahay odoyaasha dhaqanka, israsaasaynta dhacday, Khasaara haddii uu jiro & tallaabada uu qaaday Maamulkaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Booliiska Soomaaliya oo sheegay in Maalinta codbixinta la xayirayo isu socodka Dadka & Gaadiidka

Read Next

Dowladda Nigeria oo sheegtay in lasii daayay 130 Arday oo laga afduubtay Gobolka Niger