Isco iyo Marcelo oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxdooda.

Xidigaha dhaawaca ugu maqnaa kooxda Real Madrid ee Isco iyo Marcelo ayaa si layaab leh loogu arkay tababarka kooxda Real Madrid.

Isco iyo Marcelo ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdooda kuwaas oo dhamaystay barnaamijkii dawayntooda waliba bilowday qaadashada tababarka kaliga ah.

Real Madrid ayaa warbixin ku xaqiijisay in ay labada xiddig dhamaysteen dawaynta haatanba bilaabeen tababarka inkasta oo ayna wali tababarka buuxa ku biirin.

Isco ayaa dhawaan maray qaliin xilli ay wararku sheegayaan in xaalkiisu haatan dagan yahay oo waliba yahay mid aad u fiican.

Dhanka kale xiddiga reer Brazil ayuu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii ay guuldarada kala kulmeen kooxda Sevilla laakiin xiddiga ayaa si buuxda u soo kabsaday isaga oo diyaar u noqon kara in uu u ciyaaro kulamada kooxdiisa.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Manchester United oo qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo daafac Barcelona ka tirsan.

Read Next

Ronaldinho:”John Terry waa mid ka mid ah daafacyadii iigu adkaa aan ka hor tago”