Inter Milan iyo Lazio oo ku dagaalamaya saxiixa Matteo Darmian.

Kooxaha reer taliyaani ee Inter Milan iyo Lazio ayaa lagu soo waramayaa inay u dagaalamayaan saxiixa  daafaca kooxda Manchester United Matteo Darmian.

Darmian ayaa si aad ah loola xiriirinayey inuu ka tagayo United xagaagn walina ma cada mustaqbalka xidigaan.

Tababaraha cusub ee Red Devils ayaa doonaya in uu sii heyso xidigaha la hadal haayo in ay kooxda ka tagi doonaan bisha janaayo.

Sida laga soo xigtay Calciomercato kooxaha  Inter iyo Lazio ayaa xiiseynaya saxiixa 29 jirkaan xili kasoo ciyaaray horyaalka Taliyaaniga.

Darmian ayaa United kaga soo biiray Torino sannadkii 2015 waxaana macquul ah in bisha janaayo uu ku laabto horyaalka Taliyaaniga.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Manchester City Oo Dooneysa In Ay La Soo Wareegto Xiddig Atletico Madrid ka tirsan.

Read Next

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.