Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
In ka badan 100 araday ayaa ka qaybgashay tartanka qu’aanka Kariimka oo uu qabatay Mustaqbal Radio bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaa taabbageliyey Shirkada Korontada ee Muqdisho Power,Isbitaalka takhasusigaa ee Somali Sudenes iyo shirkadda Cadceed Group oo dhammaantood fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.
Ardaya ka qaybqaadatay ayaa ku tartamaysay 10 Juz, 20-ka iyo 10-ka Juz ee sare ee Qur’aanka Kariimka, tartanka Qur’aanka kariimka ee Mustaqbal Radio ayaa soo billowday 3-Ramadaan-1440 oo ku beegnayd 8-May-2019, Ardayda ayaa ka qaybgashay tartanka qur’aanka ayaa ka kala yimid dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho Qaarkood.

Macalimiinta iyo Waalidka Ardaydan oo qaarkood joogay intii tartanku socday ayaa dadaal badan ku bixiyey in carruurtoodu kaqaybgalaan tartanka islamarkaana gaaraan ama galaan sided kaalimood oo tartanka yeeshay iyada oo dhammaan kaalimahaasna lagu bixiyey lacag abaalgud ah oo ay guddooeen ardayda gashay kaalimha 1aad, 2aad, iyo 3aad.

Kaalimaha 1aad ee tartanka waxaa ku galay:
- Caa’isho Mustafe Cali ,
- Cabdisalaan Xuseen Yuusuf,
- Cabdulaahi Xasan Xuseen halka ay kaalimaha labaad galeen
- Cabdirashiid Maxamed Kheyr.
- Bashiir Maxamuud Axmed
- Sumayo Cabdirshiid Caafi, iyada oo ay kaalinta 3aad galeen
- Cabdulxaq Cabdinaasir
- Salma Xasan Absuge

Macalin SayidCali Ibraahim oo ka mida guddiga Tartanka ayaa sheegay in tartanku guud ahaan ahaa mid aad xiiso u leh ayna u mahadcelinayaan dhammaan shirkadaha fududeeyey abaalgudka ardayada ku guuleystay siddeeda kalimood ee ugu horeysay tartanka.

Ardayda fursadda u yeeshay in ka qayb qaataan tartankaan ayaa soo maray tijaabo dhinaca Aqrinta, Xifdinta iyo kaladhigidda Quaqrinta Qur’aanka iyaga oo kusoo guulaystay tijaabadaas ay mareen si loo hubiyo in ay ka qayb gali karaan tartankaan Qur’aanka Kariimka oo ay qabanayeen gudi Macalimiin ah oo loo xilsaaray qabsoomida tartankaan.

Ardaydii kaalmaha ka galay tartanka Qur’aan aqriska Mustaqbal ayaa Maanta lagu gudoonsiiyey Xarunta Mustaqbal lacago loogu Abaal Gud ah oo lagu dhiiragalinayo dadaalkooda.

Macalin Sayid Cali Ibraahim oo ka mida Gudiga Tartanka ayaa Mustaqbal iyo Shirkadaha taabagalinaye tartanka ugu Mahadceliyay Qabashada tartankan siga oo ku bogaadiyay in ay siiwadaan.
Xasan Xuseen Rooble oo kamida walidiinta ardayda maanta guulaysatay ayaa ku amaanay Mustaqbal Radio qabashada tartankaan sidoo kale waxa uu mahadceliyay shirkadaha ka qayb qaatay taabagalinta tartankaan, waxa uu sheegay in qur’aanku yahey waxa ugu wanaagsan ee ardayda lagu dhiira galiyo.

Ardayda ka qayb qaadatay Tartanka ayaa dhankooda ka mahad celiyay Abaalgud maanta la gudoonsiiyay waxa ayna codsadeen in la siiwado tartamadaan oo diira galin u ah Ardayda, Macalimiinta iyo waalidiinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale oo soo xiray Xaflada ayaa sheegay in tarkaan uu ahaa tijaabo lagu guulaysatay islamarkaana la sii wadi doono tartamada noocaana, si saro loogu qaato Xifdinta Qur’aanka iyo Khiraa’aadka kala duwan.

Guutaale ayaa intaa ku daray in Mustaqbal ay wado qorshayaal lagu dhiira galinayo Dugsiyada Qur’aanka sii loo hormayo dhismayaasha ay ku shaqeeyaan Dugsiyada Qur’aanka oo aan la qurxin marka loo eego Schoolka waxbarashada Maadiga ah.

Mustaqbal Radio ayaa ugu talagashay tartankaan in ay ku dhiira galiso ardayda xifdinta Qur’aanka iyo barashada culuumta la xiriirta qiraa’aadka kaladuwa, sidaas oo kale waxa uu ujeedku ahaa Xoojinta malcaamadaha/Dugsiyada Qur’aanka Horumarinta habka Barashada Qur’aanka iyo In ardayda ugu sarreysa tartanka qur’aan aqriska si gaar ah loo maamuuso.

