Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
Goolhayaha Reer Spain ee Iker Casillas ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu xirfadiisa ciyaareed kuso afjaro kooxdiisa Porto.
37 jirkaan ayaa hal sanno uga harsan yahay qandaraaskiisa kooxda kula joogo Porto, laakiin waxaa uu sheegay inuu koodiisa Porto sii joogi doono.
Casillas ayaa xulkiisa Spain u saftay 167 kulan tan iyo markii uu ka mid noqday safka koowaad wareysi uu bixiyay goolhaye ah ayuu yiri”.
Waxaan doonayaa inaan halkan kuso afjaro waayaheyga ciyaareed xili waxaan kuso raaxeystay magaalada Madrid oo aan mudo joogay sidoo kale waxaan taariikh ka galay xulkeyga Spain.
Casillas ayaa 700 kulan u saftay Real Madrid intii u dhaxeysay 1999 ilaa 2015 ka hor inta uusan ku biirin FC Porto, waxaana tan iyo markii uu yimid u saftay kooxda Porto 100 kulan.
