Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku warramaya in howlgallo lagu xoojinayo Amniga Magaaladaas ay ka socdaan duleedka Magaaladaas.
Ciidan isugu jira kuwa Federaalka iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo si wadajir ah isu kaashanaya ayaa saldhigyo cusub ka samaystay deegaanno dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Hoggaanka cusub ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa shalay soosaaray amar si buuxda saraakiisha ciidamada lagu farayo in ay dardargeliyaan howlgallada lagu sugayo nabadgalyada Magaalada Baydhabo oo maamulkaas u ah xarun kumeel-gaar ah.
Baydhabo inkasta oo ay xasiloon tahay balse waxaa dhaqdhaqaaq ciidan wada ciidamo ka amar-qaata Cabdicasiis Laftagareen kuwaas oo marar kala duwan horay u weeraray Saldhigyo ciidanka Federaalka iyo kuwa Badbaabada Koofur Galbeed ku leeyihiin Baydhabo.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
