Howlgal lagu qabtay Kooxo Dhac geysanayay oo Muqdisho ka dhacay.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen Koox la sheegay in ay Burcad ahaayeen.

Howlgalka oo ka dhacay Degmada Dharkiinley waxa ay Ciidamada Dowladda kusoo qabteen Rag la sheegay in hubeysnaayeen.

Qaar kamid ah dadka Degmada Dharkiinley ayaa Mustaqbal u sheegeen in Kooxda la qabtay ay dhac ka geysan jiray Xaafadaha Degmada, balse Hay’adaha Ammaanka ay u gacan galeen.

Tirada dadkaan waxa ay wararku sheegayaan in ay gaarayeen 5 qof, oo labo kamid ah ay hubeysnaayeen sida dadka Deegaanka laga soo wariyay.

Ciidamada Ammaanka Dowladda ayaa kordhiyay howlgalada lagula dagaalamayo Kooxaha Dhaca geysta oo Maalmihii dambe kusoo kordhayay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaana Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin Isgoysada Magaalada Muqdisho si ay baaritaano ugu sameeyaan Gaadiidka iyo Dadka saaraan.

Mustaqbal media

Read Previous

Gudoomiye Cismaan Barre oo ka hadlay Caqabadaha hortaagan Hir-Shabeelle.

Read Next

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday Askar lagu eedeeyey in ay aag dagaal ka baxeen.