Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya
Naadida reer France ee Lyon ayaa cwa marti qaadi doona kooxda Man City oo ku booqan doonta dalka France si ay u ciyaaraan kulanka ka tirsan heerka Groupyada Champions League-ga.
Man City ayaa iska xaadirin karta wareega xiga kulanka Lyon hadii ay guul ka gaarto kooxda reer France maadama ay gaari doonaan guushoodii 4-aad ee tartanka.
City ayaa sidoo kale doonaysa in ay ka aarsato kooxda Lyon kuwaas oo guuldaro lama filaan ah dhabarka u saaray kulankii lugta hore ee ka dhacay garoonka Etihad.
Kulanka: Lyon Vs Man city
Tartanka: Champions League
Wakhtiga: 11:00 Habeenimo
Garoonka: Groupama Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Man city ayaa kaliya kulankii 3-aad ku ciyaaraysa France kadib markii ay PSG bar-bari 2-2 ah la galeen April 2016 sidoo kale guuldaro 3-1 ah kala kulmeen Monaco March 2017.
Lyon ayaa laga badiyay hal kulan oo kaliya oo ka mid ah 10 kulan oo ay kooxaha premier League kula ciyaartay garoonkeeda iyada oo badisay 3 kulan 6 kalena bar-baro gashay guuldarada ayaa soo gaartay February 2001 iyada oo kala kulantay Arsenal.
Man City ayaa ah kooxda ugu goolasha badan xilli ciyaareedkan champions League iyaga oo dhaliyay 12 gool 4-tii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen.
Kooxda Man City ayaa isha ku haysa in ay dhamaan badisay kulamada Wareega Group-yada champions league ee ay ku ciyaarayso meel ka baxsan garoonkeeda Markii 2-aad ee taariikhdeeda.
