HORDHAC: Crystal Palace vs Liverpool + Safafka Macquulka ah.

Kooxda Liverpool ayaa u marti doonta kulankeeda labaad ee horyaalka Premier League koobka koonfurta Lonodn ee Crystal Palace.

Kooxda Reds ayaa sanadkandib u dhis weyn lagu sameeyay iyadoo kulankii furitaanka horyaalka 4-0 ku xasuuqay dhigeeda West Ham.

Tartanka: Premier League.

 Waqtiga: 10:00 pm ( SGA ).

 Garsooraha: Michael Oliver.

 Garoonka:  Selhurst Park.

 Wararka Labada Koox.

Maamulaha Crystal Palace Roy Hodgson ayaa heysta saf taam u ah kooxda uu magacaabay.

Wuxuu xaqiijiyay laba cayaariyahan uusan magaabin inuu dhaawac kasii gaaray kulankii asbuucii hore ee Fulham balse diyaar ay u yihiin haatan.

Daafaca Liverpool Joel Matip ayaa laga yabaa inuu kamid noqdo keydka kaddb markii uu kasoo kabtay dhaawac soo gaaray kulamadii xagaaga fasaxa.

Dhinaca kale isla daafaca dhexe ee Dejan Lovren ayaa markale ku maqnaan doona dhibaato muruqa ah sidaa owgeed Joe Gomez ayaa la filayaa inuu ka dhinac dheelo Virgil van Dijk.

Xaqiiqooyinka cayaarta.

Liverpool ayaa ku dhalisay 22 gool o horyaalka Premier League garoonka Selhurst Park, taasoo ay kaga badan tahay koox kasta goolasha ay ku dhalisay.

Kaddib markii si xariir ah ay u guuldareyteen seddax kulan oo dhan ah Crystal Palace, Liverpool ayaa haatan badisay afar kamida shantii kulan ee ugu dambeeysay oo ay Premier League kulmaan kooxda ka dhisan koonfurta London.

Reds ayaa adkaatay afar dheel xariir ah kulamada ay u martisay Crystal Palace dhamaan tartamada, inkastoo ay horey ugu fashilmeen inay guul ka gaaraan mid kasta oo kamida lix dheel oo ay ku cayaartay gegida Selhurst Park.

Crystal Palace ayaa damacsan in kulankii afaraad oo xariir ah ciyaaraha horyaalka sare ay ku adkaato gurigeeda markii ugu horreeysay tan bishii December 1990 – kulanka afraad ee cayaaraha guulaha xariir kaa ayaa ka dhan ahaa Liverpool.

Liverpool ayaa mar kaliya qasaartay kulamada furitaanka ay martida tahay shantii xili cayaareed ee lasoo dhaafay.

Shaxda Macquulka ah.

 Crystal Palace:  Hennessey, Wan-Bissaka, Tomkins, Sakho, Van Aanholt, McArthur, Milivojevic, Schlupp, Townsend, Zaha, Benteke.

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Gomez, Robertson, Wijnaldum, Henderson, Keita, Mane, Salah, Firmino.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Man City oo goolal sida daadka ugu xarqisay Huddersfield Town.

Read Next

16; Haween kakaaliyayaal caafimaad ah oo mar qura uur wada qaaday!,Sawirro