Hoggaamiyaha Galmudug oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Jowhar

Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb isaga oo gaaray Magaalada Jowhar si uu uga qaybgallo Caleemosaarka dhiggiisa HirShabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen.

Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar isaga oo kulan hordhac ah la qaatay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Liibaan waxaa lagu wadaa in uu safarro kala duwan uu galo sidoo kale waxa uu wadaa kulamo uu ku sal dejinayo siyaasadda uu kusoo dhisayo Golihiisa Wasiirrada inkasta oo uu haysto waqti ku filan sida ay sheegeen ilo ku dhaw Hooggaamiyahaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doorashooyin Dadweyne ka hirgelisay Gobolka Banaadir, Maamullada Koofur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle, inkasta oo ay jiraan xubno katirsan Mucaawadka oo kahor yimid doorashooyinkaas.

Mustaqbal

 

MM Editor

Read Previous

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish