Hirshabelle oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabab

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in uu billaabayo dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabab loogana saarayo degaannada ay AL-shabab ka joogaan Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Guudlaabe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah iyo Hirshabeelle ay isku afgarteen in la billaabo howlgal ka dhan ah AL-shabaab.

Cali,waxaa uu sheegay in dadka Rayidka ah ay ka daaleen AL-shabaab islamarkaana hadda u baahanyihiin in laga gacansiiyo dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

Waxaa uu bogaadiyay koox la baxday Macaawisley,kuwaas oo Al-shabaab ay todobaadkan ku dagaallameen Gobolka Shabeellaha dhexe meelo ka mid ah.

Waxaa uu xusay in Al-shabaab laga saarayo Maamulka Hirshabeelle sidoo kalena ay dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada billaabayaan howlgal dhameystiran oo ka dhan ah AL-shabaab.

Mustaqbal media

Read Previous

‘There’s a genocide taking place against Somali Muslims’ Ehio-Somali region

Read Next

Galmudug oo la xisaabtameysa xubnaha ugu jira aqalka sare