Hakan Fidan “Israa’iil waxa ay rabtaa in ay ku adeegato Somaliland”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa sheegay in Israa’iil ay dano gaar ah ka leedahay Somaliland, waxa uu tilmaamay in Tel Aviv ay doonayso inay colaadda Bariga dhexe usoo rarto Geeska Afrika.

Hakan Fidan ayaa tilmaamay in Somaliland ay haysato fursad ay dib uga laaban karto la tacaamulka Israa’iil maadaama dunida inteeda kale ay dhinac uga soo jeesatay wixii ka dambeeyay markii uu soo baxay go’aanka Netanyahu.

“Somaliland qof aan Israa’iil ahayn ma aqoonsano, qudheedu waxa ay ka leedahay dano gaar ah, waxa ay rabtaa in ay u adeegsato colaadda gaar ahaan siyaasadda gobolka” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan.

Waa uu sii hadlay waxa uu Somaliland usoo jeediyay in ay ka fogaato wax weliba oo ku sababi kara dullinimo iyo ciqaab weyn, Hakan Fidan ayaa intaas raaciyay in lagama maarmaan tahay is xakamaynta oo aan meel weliba lagu dhacdhicin.

Turkiga waxa uu safka hore uga jiraa dalalka diidan xadgudubka Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya kaddib markii Ra’iisul Wasaarahooda Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay in uu aqoonsaday Somaliland oo ah qayb kamid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hindiya oo kahor timid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Shabeelaha Dhexe