Haddii warbaahinta loo diiday tabinta doodda wax ka badalka Dastuurka, muxuu Guddoonka Bulshada ka qarinayaa?

Warbaahinta waxa ay laf-dhabar u tahay soo gudbinta dhacdooyinka waana marinka Bulshada si fudud ay ugala socon karaan dhacdooyinka jira, waxa ay si joogta ah Dadka ula wadaagtaa xogaha iyo macluumaadka taagan.

Muddo waxa ay Warbaahinta gole joog u ahayd kulamada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo gudbisaa Fadhiga tooska ah iyo waraysiyo gaar gaar ah oo lala yeesho Xildhibaannada kulankooda kaddib.

Maanta waxaa jira kulan Baarlamaanka labadii Aqal uu ka leeyahay Dastuurka gaar ahaan Cutubyada 5aad ilaa 9aad, kulankii kan ka horreeyay waxa uu ka furmi waayay buuq ka dhex dhacay Xildhibaannada oo ugu danbayn la ganaaxay.

Ganaax safmar ah ayuu Guddoonka Baarlamaanka la dulmaray Xildhibaannadii labada dhinac kala ahaa iyo Warbaahintii tabinaysay fadhiga guud, tallaabada Warbahinta looga joojiyay kulanka maanta waxaa dulsaaran su’aalo badan sida waxa uu Guddoonka Bulshada ka qarinayo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Duullimaadka Diyaaradaha ee Garoonka Khartuum ee Suudaan oo dib u billowday

Read Next

Maxaa ka dhex socda Aqalka Baarlamaanka oo maanta ciidamo dheeraad ah la geeyay?