Soomaaliya & Ruushka oo kawada hadlay Amniga iyo Iskaashiga labada Dal
Wafdi Xildhibaano ah oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Ayaa Caawa ka ambabaxay Gegida Diyaaradaha Aadan Cabdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho,
Gudoomiye Mursal iyo Wafdigiisa waxa ay ka qaybgalayaan Shirka Sanadlaha ah ee Midowga Baaralaanada Ururka Iskaashiga Islaamka ee loosoo gaabiyo (PUIC) oo berri ka furmaya Magaalada Ouagadougou oo ah Caasimadda Dalka Burkina Faso ee Galbeedka Afrika.
Shirkan oo sanadkiiba mar iskugu yimaadaan Baarlamaanka Wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC, oo sanad waliba lagu qabto mid ka mid ah Caasimadaha Wadamada xubnaha ka ah Ururkan waxaa sanadkii hore lagu qabtay Casabalanca oo ah Caasimadda Dalka Morocco.
Ajendaha shirka ayaa ah in lagu gorfeeyo laguna difaaco danaha Wadamada Dadyoowgooda Muslimiinta u badanyihiin, waxaana qayb ka ah Dhamaan wadama Carbeed, qaar ka mid ah Wamada Qaaradda Afrika, Qaarka mid ah Wadamada Latin-America , Dalalka Turkiga iyo Iran.
