Golaha Wasiirada Soomaaliya kulan deg deg ah ka yeeshay Kaalmada Deyn-cafinta Norway.

Shir Maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Golaha Wasiiraada Xukuumadda Soomaaliya waxa ay ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah lacagta Bangiga Adduunka uu ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Dowladaha Deynta ku leh Soomaaliya waxaa loo gudbiyay dib u habaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sameysay Hay’adaheeda Maaliyadda saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Bangiga Adduunka, Hay’adda lacagta adduunka, iyo Bangiga Horumarinta Afrika waxaa uu qorshuhu yahay in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan go’aanka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo dhowr jeer ka qaybgalay kulamo looga hadlayay cafinta deynta Soomaaliya waxa uu sheegay in ay jirto rajo wanaagsan oo ay ka qabaan go’aanka deynta la xiriira.

MM Editor

Read Previous

Maxaa loo kaladiray Maamulkii Rugta ganacsiga gobolka Banaadir?

Read Next

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Soomaaliya ku matalayo Shir ka dhacaya Burkina Faso.