Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay colaadda ka jirta Dalkeeda
Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir gudoomiyay kaldhiga 6-aad kulankiisa 34-aad waxa uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyay in la sameeyo dadaal waliba oo lagu dajin karo xaaladda Siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada, Culimada iyo qaybaha kala duwan ee Galmudug Waxa uu ka dalbaday in si nabadgalyo ah lagu dhameeyo khilaaf ka taagan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Gudoomiye Cabdi Xaashi Waxa uu ka digay in lagu dhiirado wax waliba oo sababi kara colaad iyo khilaaf horleh oo ragaadiyo dhismaha Galmudug ama saameeya qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Golaha Aqalka sare waxa uu matalaa Dowlad Goboleedyada, waxaana Senatarada uu ka kooban yahay Golaha lagu soo kala xulay Xarumaha Dowlad Goboleedyada iyo magaalooyinka sida KMG ah ay ugu shaqeeyaan.
