Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dhageysatay Dacwad ka dhan Askar hub iibsatay.

Maxakamada Ciidanka Qalabka Sida Qaybta 60-aad ee fadhigeedu yahay Magalada Baydhabo ayaa maanta dhageysatay dacwad loo heysto Askar katirsan Ciidamada Dowladda oo iibsaday hub la siiyay.

Fadhiga waxaa ka qaybgalay galay saraakiil ciidan, dacwad oogayaal katirsan Maxkamadda iyo qareeno u doodayay askartaan ku eedeysan in hubka la siiyay ay ku iibsadeen suuq madow.

Hogaanka Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta 60-aad

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 60-aad ayaa ciidamadaan kahor sheegay eedaha loo heysto oo dabagal lagu sameeyay lagu ogaaday in ay iibsadeen hub loo siiyay in ay ku howlgalaan.

Lexda eedeysane, saraakiishooda iyo qareenadoodaayaa goobjoog ka ahaa dhageysiga dacwadda loo heysto raggaan, sida lagu sheegay warka maxkamadda ay qirteen dambiga loo heysto.

Askarta ku eedeysan in ay iibsadeen hubkii la siiyay

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 60-aad Maxamuud Maxamed Iidow ayaa maxkamadda horgeeyay marqaatiyaal ku filan qaadista kiiskaan oo madasha ka sheegay in qaabkii hubka ay u iibsadeen askartaan.

Waxa uu soo jeediyay in sharciga la waafajiyo askartaan oo uu ku tilmaamay in ay ku dhaqaaqeen fal ka mamnuuc ah ciidamada Dowladda kadib markii hubka dowladda ay gacan kale ka iibsadeen iyaga oo siistay lacag yar sida uu hadalka dhigay.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 60-aad Maxamuud Maxamed Iidow

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 60-aad ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba-gabeeyay kiiska askartaan loo heysto, isla markaana dib ay kasoo sheegi doonaan go’aanka xukunka ku dhaco.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta 60-aad

Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay muddooyinkii dambe ku guda jirtay qaadista kiisaska la xiriira askarta iibsaday hubka loo siiyay in ay ku howlgalaan.

MM Editor

Read Previous

Puntland oo sheegtay in ay bilaawday Baaritaano la xariira Coronavirus.

Read Next

Gudoomiyaha Aqalka sare oo ku baaqay in la dajiyo Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug.